
Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku baaqay in Baaritaan Hufan lagu sameeyo Diyaaradii Isniintii shalay ku burburtay Degmadda Berdaale ee Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,
Qoraal ku qoran Luqadda English-ka oo uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa waxa uu u qornaa sidatan:
”Diyaarad Gargaar Daawo ee COVID 19 u waday dadweynaha ku nool Degmadda Berdaale ee Dowlad-gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa qabsaday shil bar-tilmaameed ah.
Sida laga soo xigtay qaar ka mid ah ilo lagu kalsoonaan karo, Diyaaradda waxaa ku dhacay Gantaal sababay inay dhulka ku soo dhacdo, isla markaana ay wada geeriyoodaan afartii Shaqaalaha Diyaaradda iyo 2 qof oo Rakaab ahaa.
Shaki kuma jiro inay dhacdadan khatar gelinayso Duullimaadka Hawada oo ah midka ugu shacbiyadda badan ee Gaadiidka Gudaha.
Waxaan ka cambaaraynaa Falkaasi Bahalnimadda, waxaana u tacsideynayaa Qoysaska iyo Saaxiibadda ee kuwii naftooda ku waayey shilkaasi karaahida (nacaybka ) ahaa.
Waxaan codsanayaa baaritaan Hufan oo lagu aqoonsanayo Dembiilayaasha iyo in Natiijadda ka soo baxda Baaritaanadaasi lala wadaago dadweynaha”.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





