Monday, April 27, 2026
26.9 C
Mogadishu

Xeer ilaalinta Somaliland oo war ka soo saartay Lix nin oo maanta xukun dil ah lagu fuliyay

Berbera (Halqaran.com) – Xeer Ilaalinta Somaliland ayaa faah-faahin ka bixisay lixdii nin ee subixii Arbacada lagu toogtay fagaaraha Mandhera ee duleedka Magaalada Berbera.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Somaliland ayaa lagu sheegay in raggaasi loo qisaasay lix nin oo siyaabo kala duwan ay u dileen.

Qoraalka Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Somaliland ayaa u qornaa:-

Iyadoo la fulinayo amarka Maxkamadda Sare, waxaa saaka oo ay tahay bishu 15/01/2020 saacaddu markay ahayd 7:45 daqiiqo, waxaa dil toogasho ah lagu fuliyay gacan ku dhiiglayaashan hoos ku xusan.

1: Gacan ku dhiigle Axmad Ibraahim Faarax, Ina Aamina Maxamed, kaa soo loo qisaasay dilkii uu u gaystay EX-ASK-pol marxuun Maxamed Cabdi Saleebaan.
2: Gacan ku dhiigle Xasan Muxumad Cismaan Ina Shukri Yuusuf, kaa soo loo qisaasay dilkii uu u gaystay marxuun Ismaaciil Faarax Maxamad.
3: Gacan kudhiigle Khadar Aleel Xirsi, Ina Maryan Cumar, kaa soo loo qisaasay dilkii uu u gaystay marxuun Siyaad Cabdi Muxumad .

4: Gacan ku dhiigle Farxaan Maxamad Xasan, Ina Khadiija Khaliil, kaa soo loo qisaasay dilkii uu u gaystay marxuun Ibraahim Axmad Muuse.
5: Gacan ku dhiigle Caydaruus Khadar Haybe, ina Shahmaad Careef, kaa soo loo qisaasay dilkii uu u gaystay marxuun Idiris Daa’uud Jaamac .
6: Gacan ku dhiigle CabdiLlaahi Ismaaciil Xayd, Ina Faadumo Cali, kaa soo loo qisaasay dilkii uu u gaystay marxuun Garaad Aadan Maxamed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...