Monday, April 27, 2026
26.9 C
Mogadishu

Maxaa ka jira in Xildhibaannada cusub ee Galmudug lagu xiray Sharuudo?

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in qayb ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug loo diiday in la siiyo kaarka aqoonsiga.

Xildhibaanadan ayaa waxay culeyska xoogan kala kulmayan shaqaale ka tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, oo u sheegay in aanay wax kaar ah siin doonin, illaa iyo inta ay ka soo dooranayan musharaxa, ay dowladda u waddo inuu noqdo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaannadan ayaa waxaa lagu xujeeyay inay codka siiyaan musharax, ay u sheegeen inay dowladdu wadato, haddii kalena aanay wax kaar ah heli doonin.

Xildhibaan diiday in magaciisa Warbaahinta loo adeegsado ayaa sheegay in lagu amray marka hore inay maalinta Jimcaha codka siiyaan musharaxaasi, ka dibna ay kaarka aqoonsiga heli doonaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee codeynaya ayaa looga baahan yahay inay haystaan kaarka aqoonsiga, haddii aanay kaarkaasi haysana ay la macno tahay, inaanay codayn karin.

Xildhibaanada loo arko inay ku safka yihiin Villa Soomaaliya oo qura ayaa hadda haysta kaarka aqoonsiga ee Xildhibaanimada, iyagoona Jimcaha isu diyaarinaya ka qaybgalka Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

Walaaca ugu weyn ee ay xilligan qabaan Xildhibaanada aan la dhacsanayn siyaasadda Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ah inay lamid yihiin dadka caadiga ah, haddii aanay haysan kaarkaasi.

Musharaxiinta u taagan Xafiiska Madaxtooyada Galmudug ayaa mar sii horeysay oo maanta ah sheegay inaanan weli Xildhibaanadaasi la siinin kaarkii aqoonsiga, ee ay ku codayn lahaayen.

Khilaaf iyo murun xoogan ayaa wiiqay habraaca marxaladda kala kuurka ee Galmudug, taasoo eedeyda ugu weyn dusha looga tuuray Madaxtooyada Somaliya.

Odayaasha Dhaqanka Galmudug ayaa Madaxda Qaranka ku eedeeyay in aanay dhibsan dheg xumida xargaha goysatay, ee ka soo yeeraysa Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...