Monday, April 27, 2026
29.9 C
Mogadishu

SAWIRRO: Musharraxiin u taagan Xilka Madaxtinimada Galmudug oo Isbaheysi kaga dhawaaqay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Iyadoo ololaha doorashada maamulka Galmudug uu iminka marayo meel gabagabo ah, ayaa Arbacadii maanta waxaa isbaheysi magaalada Dhuusamareeb kaga dhawaaqay saddex ka mid ah musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha Galmudug.

Saddexda Musharrax oo kala ah, Cabdiraxmaan Odowaa, Kamaal Guutaale iyo Cabdullaahi Faarax Wehliye oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa ku dhawaaqay in ay isbaheysi sameysteen.

Xubnahaan ayaa lagu sheegay murashaxiinta mucaaradka ee kasoo horjeeda tartamaha ay wadato Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Kulanka Saddexdan Musharrax madaxweyne ayaa waxay ku ballameen in kii Cod badiyaa kuwa kale ugu shubaan.

Arrintan ayaa noqoneysa dhabar jebin lala rabo Murashaxa Xukuumada Soomaaliya wadato ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) oo ay umuuqato in lala gedin rabo Doorashada xilka madaxtinimada Galmudug.

Si kastaba ha’ahaatee, DF Soomaaliya ayaa dhaqaale xooggan ku bixineysa sidii Qoor-Qoor loo soo dooran lahaa, iyadoo Xildhibaanada Lacag badan la siinayo si ay codkooda Kaariye ugu shubaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...