Arji qabashada musharaxiinta guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo ka billaabatay Dhuusamareeb + (SAWIRRO)

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Magaalada Dhuusamareeb waxaa Arbacadii maanta ka billaabatay diiwaangelinta musharaxiinta u taagan jagada guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Gudoomiye Ku-xigeenka.

Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa waraaqaha codsiga ka guddoomay saddex ka mida musharaxiinta, kuwaa oo laba ka mida ay u taagan yihiin jegada Gudoomiyaha Baarlamaanka, halka midka kalena uu u tartamayo xilka Gudoomiye Kuxigeenka 2aad.

Sidoo kale, guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka ayaa waxay musharaxiintan ka guddoomeen araaji ay ku qoran tahay taariikh nololeedkooda.

Musharaxiinta maanta la diiwaan-geliyay ayaa kala ah Maxamed Nuur Gacal iyo Cabdinaasir Aadan Cismaan oo u taagan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Maxamed Sheekh Axmed Maalin oo u sharaxan booska Gudoomiye Kuxigeenka 2aad.

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa inay dhacdo 17-ka bishan, oo ku aadan maalinta Jimcaha.

Khudbad jeedinta musharaxiinta ayaa waxaa lagu wadaa inay qabsoomto 16-ka bishan, oo ku beegan Khamiista berrito ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com