Saturday, May 9, 2026
29.9 C
Mogadishu

Xaliimo Yareey oo shaaca ka qaaday in loo baahan yahay ‘dowlad aan Xalane laga xukumin!’

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay in dowlad goboleedyada dalka ay ku dhaqmaan Dastuur u gaar ah oo ay sameysteen, balse  ay sheegtay in uusan waafaqsaneyn Dastuurka dalka.

Xaliimo Yareey ayaa sheegtay in qolo walba ay meel gaar ah u socoto, taasina ay dib u dhigeyso dowladnimada Soomaaliya oo haatan ah mid curdun ah.

Waxayna ku baaqday in si wadajir ah la isaga kaashado dhismasha dowlad loo dhan yahay.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yareey oo hadal Arbacadii Maanta ka jeedisay Shirka sanadlaha ah ee Garsoorka dalka ayaa sheegtay in dalkaan uu u baahan yahay dowlad aan Xalane laga xukumin.

Ugu dambeyn, hadalka Guddoomiye Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli muran xoogan uu kajiro doorashooyinka dalka oo aan weli heshiis laga gaarin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...