Kuwait (Halqaran.com) – Ra’iisal wasaaraha dalka Kuwayt, Sheekh Sabaax Al-Khalid Al-Sabaax ayaa Arbacadii maanta is-casilaadda xukuumaddiisa u gudbiyay Amiirka dalkaasi Sheekh Nawaaf Al-Axmad, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dalka Kuweyt.
Tallaabadan ayaa timid, kaddib markii wasiirro ka tirsan xukuumadda ay shalay is casilaadooda u gudbiyeen ra’iisal wasaaraha.
Xubno ka tirsan Baarlamaanka dalkaas ayaa hore u codsaday in ra’iisal wasaaruhu hor yimaado Baarlamaanka si wax looga waydiiyo qaab dhismeedka xukuumadda.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





