Sunday, March 15, 2026
27.2 C
Mogadishu

Muqdisho oo ay weli ka socdaan kulamo looga hadlayo khilaafka Doorashooyinka

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo maalmahaan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa Arbacadii maanta waxaa uu la kulmay Cabdikariin Xuseen Guuleed oo kamid ah Xubnaha Midowga Musharraxiinta Madaxweynha Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa kulankan uga wada hadlay xaaladda dalka uu marayo gaar ahaan hannaanka doorashooyinka Qaranka ee aan wali la isku fahmin sidii loo xaqiijin lahaa in wada ogol iyo wadatashi lagu xaliyo.

Musharax Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe waxaa uu kula dardaarmay in uu kaalin lixaad leh ka qaato sidii isfaham deg-deg ah looga gaari lahaa doorashada dalka.

Sidoo kale, kulankaan ayaa ku soo beegmaya xilli weli khilaaf xoogan uu ka taagan yahay doorashada dalka, isla markaana khilaafkaas uu salka ku haayo Guddiga doorashooyinka dadban oo Midowga Musharraxiinta ay sheegeen inay ku jiraan Saraakiil ka tirsan NISA.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...