Cape Town (Halqaran.com) – Muwaadin Soomaali ah ayaa lagu soo warramayaa in kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah ay ku dileen dalkaasi, iyagoona ugu tagay goobtiisa shaqada.
Wiilka Dhalinyarada ah oo lagu Magacaabi jiray Mowliid Xuseen Gacal ayaa xilliga la dilay ku sugnaa Tuulada Phillipi oo ka tirsan Magaalada Cape Town, isaga oo ku wajahnaa Goob uu ka Shaqeeynayay.
”Saacado ayuu naga maqnaa oo adeeg ayuu u doonay Goobta Shaqada, isaga oo Gaari ku wada adeega ayay Kooxo hubeysan dhowr xaabdood uga dhufteen qeybaha sare ee jirkiisa wadada oo ciriiri aheyd‘‘, waxaa sidaasi yiri mid kamid ah dadkii la shaqeeynayay.
Kooxihii Burcadda ahaa ee dalka Koonfur Afrika ku dilay Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa goobta ka baxsaday kahor intaysan Booliska soo gaarin.
Si kastaba, Koonfur Afrika ayaa si joogta ah loogu dilaaa Soomaalida ku Ganacsata in kastoo sanadkaan dilalka uu yaraaday, waxaana dowladda Koonfur Afrika ay ku guuldareysatay inay waxka qabato beegsiga lagu haayo Soomaalida.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





