Tuesday, March 17, 2026
27.2 C
Mogadishu

Askar dil iyo dhaawac isugu geystay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Wararka ay helayso HalQaran News ayaa sheegaya, in Afar Askari oo ehello dhowr ah ay labo ka mid ah isku dishay, xaafadda Tarabuushka oo ka tirsan degmada Wadajir, halka laba kalena ay is dhaawaceen, kaddib markii ay is-rasaaseyn dhexmartay.

Askartaan oo katirsan Ciidamada Millateriga ayaa la sheegay inay isku qabsadeen guri kuyaalla degmada Wadajir, taas oo keentay inay is rasaaseeyaan, waxaana rasaasta ku dhintay laba askari oo lagu kala Magacaabi jiray Cali Nuur Xoosheey Cali Niic iyo Saciid Axmed Shalaqbeen halka ay dhaawacmeen Toxob Xasan Xadar liibaan Shalaqbeen.

Dadka ku nool Xaafada Tarabuush ee degmada Wadajir ayaa aad uga naxay falkaan, kuwaas oo qaarkood sheegay inay aad u yaqaaneyn kana mid ahaayeen Ciidamada Millateriga ee muddo badan ku sugnaa degmadaasi Wadajir.

Halka ay shaqaaqadaasi ka dhacday ayaaa waxaa tegay Saraakiil ay kamid yihiin taliyaha saldhigga degmada Wadajir iyo kan qeybta Galbeed, iyaga oo xiray qaar kamid ah ciidamadii dagaalamay, sidoo kalena Goobta ka qaaday meydadka labada Askari.

Waxaa hadda degan xaalada Goobtii ay israsaaseyntu ka dhacday.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...