Monday, May 25, 2026
28.9 C
Mogadishu

Mareykanka oo diyaarado dagaal siinaya Ukraine

Washington (Halqaran.com) – Hay’ad u xilsaaran la socodka dhacdooyinka dalka Afghanistan ayaa sheegtay in dalka Maraykanku uu Ukraine siinayo illaa 16 diyaaradood oo ah nooca sida qumaatiga ah u kaca ee loo yaqaano Mi-17, kuwaas oo ka mid ahaa hub Maraykanku uu u iibiyey dalka Afghanistan.

Waaxda Difaaca Maraykanka ee loo soo gaabiyo (DOD) ayaa ku wargalisay Congress-ka Maraykanka bishii January ee sannadkan in ay damacsan tahay in la siiyo dowladda Ukraine shan ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Ruushku sameeyey, kuwaas oo lagu dayactirayey xarun ku taalla dalka Ukraine.

“Ukraine waxay aqbashay bishii March 11-keedii, qodobada ku xusan hannaanka difaaca ee xeesha dheer” sidaasi waxaa lagu sheegay warbixinta saddex biloodlaha ah ee uu qoray kormeeraha gaarka ah ee dib-u-dhiska dalka Afghanistan oo toddobaadkan loo gudbiyay sharci-dajiyayaasha Mareykanka.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in badhtamihii bishii April, in Madaxweyne (Joe) Biden uu ku dhawaaqay xidhmo gargaar militari ah oo la siinayo Ukraine oo ay ku jiraan 11 helikobter oo dheeraad ah oo ah nooca Mi-17 oo hore loogu qorsheeyey dalka Afghanistan. Mi-17 ayaa inta badan loo isticmaalaa in lagu qaado ciidamada iyo agabka milatariga.

Sidoo kale, warbixintan ayaa lagu xaqiijiyey wararka sheegaya in dhicitaankii dawladdii Afghanistan ee wadamada reer galbeedku taageerayeen inay sahashay in maamulka Taliban ee haatan ka taliya dalka Afghanistan inay gacanta ku dhigeen qalab militari oo ka badan 7 billion oo dollar oo ah qalabka wasaaradda difaaca ee Maraykanka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...