Wednesday, April 22, 2026
29.5 C
Mogadishu

Walaac soo waajahay Soomaalida London, kaddib markii uu batay weerarrada tooreyda

London (Halqaran.com) – Magaalada London waxa ay kamid tahay magaalooyinka dalka Britain ee weerarada midiyaha ah ay fara ba’an ku hayaan, waxaana todobaadkii tagay oo kaliya mid kamid ah xaafadaha London lagu dilay 4 qof oo dhammaantood loo adeegsaday Midiyo.

Afarta qof ee la dilay ayaa dhammaantood ku noolaa xaafadaha ku yaalla Koonfurta Magaalada London, waxana sidoo kale jiray weerarro kale oo loo adeegsaday tooreey oo iyana ka dhacay Magaalada London iyo goobo ka baxsan.

Ciidamada Booliska London ayaa aad loogu dhaliilay inay ka hortegi waayeen weerarada mindiyaha loo adeegsanayo, waxaana walaac uu soo wajahay Soomaalida.

Maxamed Nuur Qalimow oo kamid ah Soomaalida ku nool Magaalada London ayaa sheegay in weerarrada ay noqdeen kuwo joogto ah, isla markaana ay ad Qatar ugu yihiin dhallinyarada Soomaalida ah iyo kuwa kale ee Madoow.

Wuxuu intaasi raaciyay hadalkiisa, in dhalinyarada Soomaalida ah ay weerarrada mindiyaha ah la kulmaan xilliyada ay kasoo baxaan Iskuullada, halka qaarkood ay ku biiraan Kooxaha mindiyaha dadka u adeegsada, iyaga oo koox koox ah.

Booliska Magaalada London ayaan weli wax tallaabo ah u qaadin sidii looga hortegi lahaa weerarrada mindiyaha ah, waxaana walwalka ugu badan uu heystaa Waalidiinta Carruurtooda ay aadaan waxbarashada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...