Wednesday, April 22, 2026
28.6 C
Mogadishu

Weerar dad shacab ah lagu dilay oo ka dhacay G/Mudug

Galdogob (Halqaran.com) – Maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay Saqdii Dhexe waxaa ay dad Shacab ah ku dileen deegaan lagu magacaabo, Dhagxanya-cadde oo ku dhow degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.

Dadka degaanka ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in weerarkaas lagu dilay laba Ruux halka mid kale lagu dhaawacay, isla markaana dadkaasi la rasaaseeyay xilli ay ku sugnaayeen Hoygooda.

Wararka ay haleyso Halqaran News ayaa intaasi ku daraya, in la rumaysanyahay in weerarka uu la xiriiro aanooyin qabiil oo muddooyinkii dambe ka jiray deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in deegaanka Dhagxanya-cadde oo ku dhow degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay dadka Shacabka ah ee la dilay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...