Friday, April 10, 2026
29.4 C
Mogadishu

Maxaa ka jira in shaqo joojin ay sameeyeen Kalluumeysatada Berbera?

Berbera (Halqaran.com) – Kalluumeysatada magaalada Berbera ayaa sheegay inay Shaqo la’aan la soo deristay, kaddib markii ay badda ku dhufteen dabeylo saameeyey howlahooda kalluumeysiga.

Dabeylahan oo badanaa bilaha lixaad iyo toddobaad ku dhufta Berbera ayaa lagu soo warramayaa inay yihiin kuwa aad u xooggan.

Bisha Toddobaad laash ay kalluumeysatadu lahayd oo badda ku ambadayna waxaa ku dhintay hal qof, iyada oo qaar kalana la soo badbaadiyey.

Maamulaha kalluumeysatada Berbera Ismaaciil Cabdi Xirsi (Saar-Saar) ayaa sheegay in xilligan aysan jirin kalluumeysato ka jilaabaneysa Xeebaha Magaalada Berbera, isla markaana dabeysha socota ay saameysay kalluumeysatada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...