Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug kulan ku yeeshay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, wasiirro ka tirsan Maamulka Galmudug iyo Bulshada qeybahooda kala duwan.
Shirka ayaa waxaa looga hadlayay sidii xal looga gaari lahaa dagaalka u dhaxeeya labada maleeshiyo beeleed oo Afar Maalin oo xiriir ah ka dhacay degaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo ka tirsan Xildhibannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in shirkooda uu kaso baxay sidii loo hirgalin lahaa xabad joojin shuruud la’aaan ah.
“Waxaa shir noogu qabsoomay magaalada Dhuusamareeb annaga oo ka kooban Xildhibaanno, wasiirro, culimo iyo bulshada qaybaheeda kala duwan oo aan uga arinsanay dagaalka Xananbuuro. waxaa ka soo baxay inaan u dhaqaaqno sidii loo hir galin lahaa xabad joojin shuruud la’aaan ah iyo ciidammo kala qaadis 24 gudahood‘‘, ayuu yiri Xildhibaan Odawaa.
Si kastaba, dagaal beeleedka ka dhacay deegaanka Xananbuure oo ah mid soo laab laabtay ayaa muddo Afar Maalin ah uu halkaasi ka socday, iyada oo ilaa iyo hadda aysan ka hadlin Madaxda Sare ee dowlad Goboleedka Galmudug.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





