Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Itoobiya oo la dilay

Ethiopia (Halqaran.com) – Dowladda Itoobiya ayaa xaqiijisay in hawlgal militari lagu dilay afar xubnood, oo uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ee dalkaasi Seyoum Mesfin.

Xubnahan ayaa ka tirsanaa Xisbiga Tigreyga Itoobiya ee TPLF, dilkooduna waxaa uu ka dambeeyay, ka dib markii ay iska diideen in ay Ciidamada Militariga isu soo dhiibaan.

Sidoo kale, xubnaha kale ee hawlgalka lagu dilay waxaa ka mid ah nin magaciisa lagu sheegay Abey Tsehaye, oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee TPLF.

Seyoum Mesfin ayaa muddo dheer Wasiirka Arrimaha Dibadda ka ahaa Xukuumaddii Meles Zenawi, waana mid ka mida shakhsiyaadka sida weyn looga garanayo dalkaasi.

Mesfin ayaa si weyn looga arki jiray shaashadaha, xilligii Ciidamada Militariga Itoobiya ay gudaha u soo galeen Magaalada Muqdisho, daba-yaaqadii bishii December ee sanadkii 2006. Waana xilliga ay sida weyn magaciisa iyo muuqiisaba ay u barteen shacabka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa Sabtidii sheegtay in Gobolka Tigreyga lagu qabtay sagaal xubnood, oo uu ka mid yahay Sebhat Nega. Ninkan ayaa ka mid ah Saraakiishii lafdhabarta u ahayd Ururkii TPLF, ee afgembiga dalkaasi kula wareegay, sanadkii 1991-kii.

Ugu dambeyn, ciidamada Federaalka Itoobiya ayaa baacsi ku haya Saraakiishii TPLF, tan iyo markii bishii November ay Xukuumadda Addis Ababa ku gacan-seyreen inay isa soo dhiibaan, cafiska loo fidiyayna ay ka faa’iideystaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...