Wasiirka Qorsheynta ee XFS oo la kulmay xubno ka socda Xafiiska QM ee Soomaaliya +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaraanka Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo maanta xarunta dhexe ee Wasaaradda kulan kula qaatay xubno ka socday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayay  ku-xigeenka wakiilka  Qaramada Midoobay Soomaaliya Mr:  Adam Abdelmoula, ayaa looga hadlay dar-dar galinta shaqooyinka arrimaha beni’aadinimada, horumarinta dhinacyada arrrimaha bulshada iyo deggaanka.

Kulanka waxaa  uu ahmiyad gaar ah siinayaa howlgelinta qaab-dhismeedka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaas oo dar-dar galinaya howlaha baaxadda leh ee ku cad Qorshaha Hourmarinta Qaranka iyo Istaraatijayada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya 2021-2025.

Sidoo kale waxaa la is la gartay in la xoojiyo arrimaha beni’aadinimo ee haatan taagan, sida in xarunta ka jawaab celinta  dhibaatooyinka in ay si buuxda u shaqeyso, iyo xoojinta adeegyada nidaamka dalka.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Jamaal Maxamed Xasan ayaa tilmaamay in ay qeyb ka noqoto xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya isku-duwida ay hoggaanka u tahay dowladda (Government led-Coordination).

Waxaa Wasiirka ku wehliyay shirka qaar ka mid ah madaxda Wasaaradda Qorsheynta, iyada oo kullanka la isku raacay in la xoojiyo horumairnta arrimaha kor lagu xusay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com