Tuesday, May 12, 2026
27.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha K/Galbeed oo Baydhabo ku noqday, kana hadlay…

Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Arbacadii maanta dib ugu noqday Magaalada Baydhabo ee Xaruunta gobolka Baay.

Laftagareen ayaa maalmihii la soo dhaafay safar ugu maqnaa dalka Turkiga, isaga oo sidoo kale dhawaan tegay Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool oo xaalad adag oo go’doomin ah ay ka jirto.

Soo dhaweyn kadib Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay xaalada amni ee deegaannada maamulkaas iyo howlgalladii ugu dambeeyay oo ay fuliyeen Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa u hambaleeyay Ciidamada DF Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed howlgalkii ay ka fuliyeen Deegaanka Seydheelow ee Gobolka Baay, halkaas oo la sheegay in lagu dilay 7 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Si kastaba, Madaxweyne Laftagareen ayaa ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, isagoo xusay in dowlad goboleedka koonfur Galbeed uu u diyaarsan yahay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...