Saturday, April 18, 2026
27.9 C
Mogadishu

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Talyaaniga.

Muqdisho (Halqaran.com) – Sii-hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Talyaaniga, Mudane Luigi Di Maio.

Labadan mas’uul ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah uu ka dhexeeyo iyo siyaabaha lagu horumarin karo iskaashi wadaagga.

Sidoo kale waxa ay isla fallanqeeyeen dhowr arrimood oo muhiimad u leh labada dhinac.

Talyaaniga waa saaxiib istiraatiiji oo Soomaaliya ay leedahay, kalana dhexeeyo arrimo dhowr ah oo ahmiyad leh, waxaana Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay inay xoojiso iskaashiga ay la leedahay Talyaaniga dhinac kasta oo nacfi wadaag u ah labada dal.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...