Saturday, April 18, 2026
28 C
Mogadishu

Garoowe: Shir Amniga ku saabsan oo go’aamo adag laga soo saaray

Garoowe (Halqaran.com) – Guddiga Amniga Gobolka Nugaal Iyo Gudiga Sare ee Amniga dowlad goboleedka Puntland ayaa go’aamo adag ka soo saaray Amniga Caasimada Puntland ee Garoowe.

Shirkan ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, waxana ka qayb galay Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Gudaha,Wasiir Ku Xigeenka Amniga, Taliyaha Booliska Puntland, Taliyaha Qaybta Nugaal,Taliyaha Madaxtoyada, Duqa Degmadda, Sarakiisha Hay’adda Nabad Sugida Iyo Sarakiil Kale.

Taliyaha Qaybta Nugaal Gashaanle Sare Xusen Cali Maxamuud ayaa sheegay in howl galo lagu xaqiijinayo amniga laga sameyn doono Garoowe, isagoona sido kale bulshada ugu baaqay inay bulshadu la shaqeyaan Ciidamada amaanka sugaya.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal Gashaanle Sare Xusen Cali Maxamuud ayaa sheegay in la mamnuucay Askari aan shaqo ku jirin oo hub Magaladda la dhex maraya, isagoona xusay in Ciidamadu soo qaban doonan.

Ugu dambeyn, gashaanle Sare Xusen Cali ayaa dhan kale Ciidamada sugaya amaanka faray in bulshada loo dhimriyo si anshaxaysana loola dhaqmo,isagoona Dhan kale bulshada markale ugu baaqay inay ciidamada u fududeyaan shaqoyinka ay qabanayaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...