Monday, June 22, 2026
27 C
Mogadishu

C/raxmaan C/shakuur oo dalab xasaasi ah u diray Xildhibaannada labada Aqal ee Somaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa markale ka hadlay xaalada abaareed ee kajira guud ahaan dalka, taas oo u baahan in wax laga qabto.

CC Warsame oo hadal ka jeedinayay Kulankii Maanta ee labada Aqal ayaa sheegay in Gobolada Soomaaliya oo ay kujirto Somaliland ay abaarta kajirta ay siweyn u saameeysay ku dhawaad 8 milyan oo Ruux, kuwaas oo wajahaya xaalad Qatar ah.

Sidoo kale wuxuu xusay, in ay jiraan dad farabadan oo abaarta uga barakacay Gobolada Dhexe Baay, Bakool, iyo Gobolada kale ee Puntland iyo gedo, kuwaas oo aysan jirin cid u garmatay ama wax u qabatay kadib markii dadka Soomaaliyeed & Hay’adaha samafalka ay gaabiyeen.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in abaarta dalka kajirta ay xilligaan sabab u tahay in Afar xilli dalka uusan ka da’in wax roob ah taasna ay keentay in Cimilada ay isbedel ku yimaadaan’ sidoo kalena dadku ay beeraha u tacbi waayeen arrimo ku saabsan in goobaha qaar lacago lagu soo rogay.

“Dadka qaarkood amni darro ayaa barakicisay waayo qaarkood markii ay doonaaan inay beer tacbadaan  waxaa lagu xujeeyay in lacag la dulsaaray, taas waxaa dheer waxaa jira isbedel dhanka  cimilada ah oo roob la’aan ay dalka ka dhacday iyo in Al-Shabaab ay ka hor istaageen tacbashada Beeraha sidaasna ay ku noqdeen kuwo aan laga warqabin ayuu yiri”  Cabdiraxmaan Cabdishakuur

CC Warsame ayaa sheegay, in dadka ay abaarta saameysay aan loo gurman karin sababo la xiriira in degaannada fogfog ay maamulaan Al-Shabaab, sidoo kale wuxuu sheegay in Markaba sida Macaawino oo ay leeyihiin Hay’adaha UN-ka uu dhow ilood ku xayiran yahay dekadda Muqdisho.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Xildhibaannnada labada aqal ka dalbaday in ay u noqoto ajandaha koowaad Shirarka ay yeelanayaan, sidoo kalena ay qaaraan iska aruuriyaan, isagoo ka codsaday in lacagtii laga qaaday musharixiinta Madaxweynaha qeyb kamid ah dadka ay abaarta saameysay loogu gurmado.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...