Saturday, April 18, 2026
29.4 C
Mogadishu

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya oo soo gaartay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Wafdi ay hoggamineyso Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Kenya Raychelle Omamo oo soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa si-weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa wafdiga ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Maxamed Cabdirisaaq iyo Xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Ujeedka Safarka Wasiirka Arrimaha dibadda kenya ay ku imid Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in uu xiriiro dib-u-hagaajinta xiriirka diblumaasiyadeed iyo midka ganacsi ee ka dhaxeeya labadani dal oo muddo bilo ah uu khilaaf ba’an u dhaxeeyay.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Kenya Raychelle Omamo ay kulamo la yeelan doonto dhiggeeda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kadibna ay wadahadal la yeelan doonto Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

24-kii Saacadood ee la soo dhaafay ayaa waxaa aad loo hadal kaayay imaanshaha Magaalada Muiqdisho Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Kenya Raychelle Omamo, iyada oo ujeedka rasmiga ilaa iyo hadda Xukuumadda Soomaaliya aysan fah faahin ka bixin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...