Tuesday, April 21, 2026
28.1 C
Mogadishu

14 ruux oo ku dhimatay Shil gaari oo ka dhacay dalka Turkiga

Turkey (Halqaran.com) – Bas rakaab ah ayaa ku rogmaday galbeedka Turkiga subaxnimadii hore ee Axadda, waxaana ku dhintay ugu yaraan 14 ruux, halka 18 kalana ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen kooxaha gurmadka degdegga ah.

Baska ayaa ka baxay xadka la koontarooli karo, wuxuuna ku rogmaday wadada weyn ee Balikesir, isagoo ku sii jeeday Edremit oo ku taal galbeedka gobolka Balikesir.

Rakaabkii ku dhaawacmay ayaa loo qaaday goobo caafimaad oo u dhow halka uu shilka ka dhacay.

Shilalka gaadiidka ayaa galaaftay boqolaal qof sanad walba guud ahaan dalka Turkiga, iyadoo Guud ahaan dalka, 4,866 qof ayaa ku dhintay shilalka gaadiidka sannadkii hore halka 226,266 qof oo kale ay soo gaareen dhaawacyo, sida laga soo xigtay tirooyinka Machadka Tirakoobka Turkiga (TurkStat).

Saddex meelood oo meel shilalka ayaa ka yimaada darawalada oo ka sarreeya xadka xawaaraha.

Dawladdu waxay raadineysaa inay yareyso tirada shilalka, iyadoo leh dhowr tallaabo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...