Riyad (Halqaran.com) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in sagaalka bishaan la billaabi doonto helitaanka codsiyada la xiriira dadka doonaya gudashada Cumrada, gaar ahaan kuwa ajaanibta ah ee la tallaalay.
Wakaaladda Wararka Sacuudiga ayaa sheegtay in laga billaabo maalinimada berri oo Isniinta ah mas’uuliyiinta wasaaradda ee u xil saaran xiriirinta xujeyda shisheeye ay billaabi doonaan fududeynta codsiyada Cumrada ee dalal kala duwan oo adduunka ah.
Oggolaanshaha codsiyada gudashada Cumrada ayaa marka hore la siin doonaa 60,000 oo Xujey ah bishiiba, laakiin si tartiib tartiib ah ayaa tiradaasi loo gaarsiin doonaa laba milyan, ayaa lagu yiri warbixintaan.
Ugu dambeyn, hadaladaan ka soo yeeray Sacuudiga ayaa yimid Sabtidii shalay, kadib 18- bilood markii boqortooyadu ay xuduudo u xiray xujayda ajnabiga ah sababo la xiriira cudurka faafa ee COVID-19.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





