Sunday, June 14, 2026
27.8 C
Mogadishu

Wasiirka Amniga Galmudug oo soo dhaweeyay tallaabada uu qaaday Saadaq Joon

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Macallin Fiqi ayaa bogaadiyay tallaabadii uu saaka qaaday Taliye Saadaq Joon, taas oo uu kaga horyimid in muddo kororsi loo sameeyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Talaabada uu qaaday taliyaha gobolka Banaadir ee ciidanka Boolisku waa mid bogaadin mudan, waana mid kor u qaadaysa sumcadda Ciidamada Booliska oo waayadii danbe oo dhan dhiiqooyin lugaha loo galinayey.” Ayuu yiri wasiir Fiqi.

“Todobaadkii hore waxay ciidamada Boolisku jidadka ku celinayeen xildhibaanno si sharci darro ah loogu diidayay in barlamaanka ay tagaan, maantana qeybtii faraxsanayd maalmo ka hor ayaa la celiyey weliba ayadoo tan danbe ay heysato xujo wanaagsan oo ah in looga hortagayo go’aan qaldan oo Barlamaanka ka soo baxa in uu sabab u noqonayo dhibaatada amnidarro iyo xasilooni la’aan soo waajahda dalka.” Ayuu sii raaciyay.

Hadalka wasiir Fiqi ayaa ku soo beegmay, saacado kooban kadib markii Taliye Saadaq Joon uu sheegay in uu joojiyay kulankii Baarlamanka, kana horyimid in muddo kororsi loo sameeyo dowladda inkastoo markiiba xilka laga qaaday.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...