Friday, December 12, 2025
26.2 C
Mogadishu

Cumar C/rashiid oo ka digay in la joojiyo wada-hadallada xal ka gaarista arrimaha doorashooyinka

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Sanoter ka tirsan Xildhibaannada Aqalka Sare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ka digay in la joojiyo wada-hadallada ku saabsan xal ka gaarista Arrimaha doorashooyinka.

War qoraal ah uu soo dhigay Bartiisa twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in joojinta wada-hadallada ay horseedi karto xaalad hubaal la’aan ah oo uu dalka galo.

“Joojinta wadaxaajoodyada doorashooyinka waxay bulshada u horseedi doontaa xaalad hubaal la’aan ah, iyadoo su’aal la gelinayo mustaqbalka dalkeenna‘‘ ayuu yiri Sanoter Cumar Cabdirashiid.

Sidoo kale, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake waxaa uu sheegay in Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkeedu dhammaaday ay dalka ku riixayaan kala-tag iyo fowdo.

Hadalka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Sanoter Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli weli aan wax heshiis ah laga gaarin doorashada, isla markaana ay joogsadeen wada-hadalladii doorashooyinka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...