Saturday, April 18, 2026
28 C
Mogadishu

Wasiir Goodax Barre oo guddiga Dalladaha Waxbarashada dalka kala hadlay arrimo ay ka mid tahay Imtixaankii dugsiyada sare

Muqdisho (Halqaran.com) – Sii-hayaha Wasiirka Waxbarashada XF Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Axadda Maanta ah la kulmay Guddiga Dalladaha Waxbarashada Dalka.

Kulanka dhexmaray Goodax Barre iyo Guddiga Dalladaha Waxbarashada Dalka ayaa waxaa looga hadlay dib u eegista iyo horumarinta waxbarashada iyo in ay ka qeyb qaataan deddaallada ay Wasaaraddu ku tayeyneyso waxbarashada dalka iyo sidoo kale natiijadii imtixaanka dugsiyada sare dalka ee muranka ka dhashay.

“Waxaan xafiiskeyga maanta kulan kula qaatay Guddiga Dalladaha Waxbarashada Dalka. Waxaan kala hadlay dib u eegista iyo horumarinta waxbarashada iyo in ay ka qeyb qaataan deddaalada ay Wasaaraddu ku tayeyneyso waxbarashada dalka” ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.

Natiijadii imtixaanka dugsiyada sare ee dhawaan shaacisay wasaaradda waxbarashada dalka ayaa ka dhashay muran badan, iyadoona qaar ka mid ah Dalladaha waxbarashada ay sharci darro ku tilmaameen habkii loo saxay imtixaanka.

Sidoo kale, waxaa ka falceliyay natiijadii imtixaanka ee la shaaciyay mas’uuliyiin, siyaasiyiin, macallimiin iyo Waalidiin fara badan, iyagoona madaxda DF Somaliya ka codsaday inay dib u eegis ku sameeyaan arrintaasi.

Ugu dambeyn, Sii-hayaha wasiirka waxbarashada XF Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa kula dar-daarmay in Dalladaha ay dowladda kala shaqeeyaan sidii kor loogu qaadi heerka waxbarashada dalka iyo in sidii loogu talagalay loo dhaqan galiyo Manhajka ay dowladda Soomaaliya soo diyaarisay, maadaama la dhammeystiray manhajka ee uu hadda yahay dugsiyada Hoose, Dhexe iyo sare.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...