Beledweyne (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya dil xalay ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasi oo loo geystay nin aad looga yaqaano gudaha magalaada.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in Kooxo hubeysan ay Hoygiisa oo ku yaalla Xaafada Howl Wadaag ee Magaalada Beledweyne ku weerareen Nin Magaciisa lagu sheegay Xuseen Dhurwaa, islamarkaana is rasaaseyn dhexmartay isaga iyo Kooxda hubeysan ay dileen.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Ninkaasi la dilay, waxaana wararka ay sheegayaan in uu ka mid ahaa hoggaamiyaasha Kooxda Macawiisleyda ee dagaalka kula jiro Ururka Al-Shabaab, halka wararka qaar ay sheegayaan in uu ka tirsanaa Ciidamada Dowladda.
Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya, in is rasaaseynta dhexmartay Kooxda hubeysan iyo Ninka la dilay uu dhaawac kasoo gaaray dhowr qofood oo ay ku jiraan Hooyo iyo Gabadheeda, kuwaas oo la geeyay Isbtaalka Magaalada Beledweyne.
Ciidamo ka tirsan Booliska Hirshabeelle ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo howlgallo baaritaano ah oo ay ku baadi goobayaan Kooxihii dilka geystay ka sameeyay Xaafada HowlWadaag ee Magaalada Beledweyne.
Ugu dambeyn, waxaa magaalada Beledweyne bilihii la soo dhaafay kusoo kordhay falal amni darro, iyada oo la dilay mas’uuliyiin iyo askar ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Booliska Hirshabeelle.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com