Friday, April 17, 2026
28.5 C
Mogadishu

Dagaal Khasaare geystay oo ka dhacay Gobolka Sool & Wararkii ugu dambeeyay

Sool (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya, in dagaal khasaaro kala duwan geystay uu ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa la magac baxay dib u xorreynta SSC.

Dad goobjoogayaal ah ayaa ku soo warramaya in dagaalkaasi uu ka dambeeyay, kaddib markii ciidamada Jabhadda la baxday dib u xorreynta SSC oo uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug ay weerar ku qaadeen saldhigga ciidamada Somaliland ay ku lahaayeen halka lagu magacaabo Xagarrey oo ka tirsan deegaanka Tukaraq.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in uu jiro khasaaro labada dhinac kasoo gaaray dagaalka, balse dadka deegaanka qaarkood ay Warbaahinta u sheegeen in weli si rasmi ah u helin khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Jabhadda la magac baxday dib u xoraynta SSC ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug ayaa dhowr jeer oo hore weerarro gaadmo ah, waxaa ay ku qaadeen saldhigyada Ciidamada Somaliland.

Somaliland weli kama aysan hadlin dagaalka ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...