Friday, April 17, 2026
28.8 C
Mogadishu

Donald Trump oo cafinaya sarkaal baxsad ah oo dambi ku soo oogay Dad Soomaali ah

Washington (Halqaran.com) – Madaxweynaha dalka mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu cafis u fidiyo sarkaal baxsad ah, kaasi oo sababay in xabsi loo taxaabo afar muwaadiniin Soomaali ah.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa baahisay in ay suurtogal tahay in cafis loo fidiyo Edward Snowden oo loo heysto kiis dhacay sanaddii 2013-dii.

Donald Trump ayaa difaacay Edward Snowden, wuxuuna tilmaamay in dib loo eegi doono kiiska Snowden taasi oo loo fasirtay inuu damacsan yahay inuu cafis kusii deyn doono.

“Waan maqlay in dad badani ay ii arkaan inaanan caddaalad sameyn, dadna waxey u arkaan inaan wax fiican sameeyay, marka si wanaagsan ayaan ula tacaamuleynaa” ayuu yiri Trump.

Edward Snowde ayaan ka fiigay Mareykanka tan iyo markii uu soo bandhigay codad sababay in xagjirnimo iyo Al-Shabaabnimo lagu maxkamadeeyo afar qof oo Soomaali ah.

Hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in Edward Snowden uu oggolaanshiyo la’aan uu qabtay shaqadaasi.

Ugu dambeyn, mar sii horreysay ayay Maxkamad Federaal ah xukuntay in Edward Snowden uu sharci darro sameyay, balse aysan waxa saameyn ah ku yellan doonin go’aanka lagu xeray Soomaalida dambiga lagusoo oogay, arrintaasina waxaa kal hore siyaabo kala duwan uga soo horjeestay ururada xuquuqda Aadanaha oo ku baaqay in xorriyaddooda la siiyo dadkaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...