Friday, April 17, 2026
28.8 C
Mogadishu

Shirka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo & Madaxda Dowlad goboleedyada oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Maalintii Labaad waxaa xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ka socda Shir u dhaxeeya madaxweynaha JF Soomaaliya iyo Madaxda dowlad goboleeyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Shirka oo shalay furmay ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa arrimaha la xiriira doorashada, sidii go’aan rasmi ah looga gaari lahaa si loo qabto doorasho laga wada heshiiyay.

Wararka ayaa sheegaya, in madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland ay soo bandhigeen qodobbada qaar oo ay ka soo horjeedaan, kaasi oo ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb3.

Dhammaan dhinacyada ayaa si adag waxaa ay uga doodayaan arrimaha doorashada oo ah muhiimada shirka loo qabtay, waxaana maanta la filayaa in si aan caadi aheyn inay mas’uuliyiinta uga hadlaan arrimaha doorashada.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad goboleedyda, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed shir ay ku yeesheen magaalada Dhuusmareeb ee caasimadda Galmudug ka soo saaray nooca ay noqoneyso doorashada Soomaaliya, balse waxaa qaadacay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland taas oo keentay in shir kale lagu qabto Magaalada Muqdisho.

Si kastaba, shacabka Soomaaliyeed iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka ayaa isha ku haya Shirka ka socda magaalada Muqdisho, halka xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ay kor kala socdaan shirka.

Madaxda ku shiraysa magalaada Muqdisho ayaa culeys lagu saaray inay heshiis ku gaaraan shirkaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...