Tuesday, June 2, 2026
26.9 C
Mogadishu

Wasiir Fiqi oo booqday taliska ciidanka badda Galmudug, ballan-qaadna sameeyay +(SAWIRRO)

Hobyo (Halqaran.com) – Wasiirka Amniga Gudaha ee Dawalad Goboleedka Galmudug, Mudane  Axmed Macalin  Fiqi ayaa Jimcihii maanta booqday taliska Ciidamada Badda ee Booliska Galmudug ( Galmudug Maritime Police Unit) oo saldhigoodu yahay magaalada Hobyo.

Fiqi ayaa warbixin ka dhagaystey taliyaasha ciidanka, isagoo faah-faahiyey baahida loo qabo ciidamada Badda Galmudug iyo muhimadda ay ugu fadhiyaan Galmudug-ta cusub.

Wasiirka Amniga ee Galmudug, Axmed Macallin Fiqi ayaa u ballanqaaday in la tayeyn doono ciidamada Badda Galmudug si ay ugu guuleystaan ilaalinta maraakiibsta sida sharci darrada ah u kalluumeysta.

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxaa ay horay ula wareegtay maleeshiyaad iyo Gaadiid dagaal oo ku sugnaa deegaanno ka tirsan gobolka Mudug, kuwaas oo la sheegay in laga dhigayo Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...