Wednesday, May 27, 2026
26.5 C
Mogadishu

Update:Wasiir Falagle oo ka warbixiyay dagaalkii maanta ka dhacay duleedka Dhuusamareeb & Wararkii ugu damb…

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wasiirka Warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Shire Falagle, ayaa ka hadlay dagaal culus oo Isniinta maanta ah ka dhacay deegaanka Miirdugul, oo 14km dhanka koonfureed kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb.

Wararka ayaa sheegaya, in dagaalkan uu ka dambeeyay, kaddib markii Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamada qeybta 21-aad ee Xoogga dalka oo garabsanaya kuwa maamulka Galmudug, maalin ka horna la wareegay deegaankaasi.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in gaari ay leeyihiin Guutada 15aad ee Qaybta 21aad inay la qaraxyada miino lagu aasay wadada dhinaceeda. Qaraxan waxa uu u imaanaya, xilli ciidanku ku daba joogay firxadkii Al-Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle, oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da  ayaa sheegay in Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday la jebiyay, islamarkaana ay ka carareen deegaankii ay soo weerareen.

“Dagaal culus baa dhacay, hadana dagaal culus laguma tilmaami karo, laakiin nimankii nabadiidka ahaa ayaa si dhuumaaleysi ah meelahaasi ku yimid, ciidamadayaduna war ka helayn, waana la baacsaday oo aad baa loo fogeeyay, waana la sii fogayn doonnaa.” Ayuu yiri Wasiir Falagle.

Wuxuu kaloo sheegay, Wasiir Falagle, in hal askari uu ku dhintay, mid kalana uu ku dhaawacmay miinada la kacday gaarigii ay ciidamadu wateen. Waxa uu intaa ku daray inaanu jirin khasaaro kale oo dhankooda ka soo gaaray intii uu dagaalku socday.

Wasiir Falagle ayaa wax faah-faahin ka bixin khasaaraha dagaalka lagu gaarsiiyay maleeshiyada Al-Shabaab, marka laga soo taggo in dagaalkaasi lagu jebiyay.

Ururka Al-Shabaab ayaa isu deyaaya inay culeys soo saaraan Magaalada Dhuusamareeb, xilli Galmudug ay isu diyaarineyso guluf ka dhan ah Shabaabka ku sugan qaybo ka mida deegaannada Galmudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...