Wednesday, May 27, 2026
26.5 C
Mogadishu

Sii-hayaha R/wasaaraha oo kormeeray Mashruuca ballaarinta Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde

Muqdisho (Halqaran.com) – Sii-hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta kormeer howleed ku tagay gegida diyaaraha ee Aadan Cabdulle, isagoo u kuur galayay howlaha baaxadda leh ee ballaarinta iyo horumarinta garoonka.

Mr. Mahdi oo uu wehliyo sii-hayaha Wasiirka Gaadiidka Cirka mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar, saraakiisha garoonka iyo mas’uuliyiinta shirkadda Favori ee garoonka maamusha ayaa booqday qeybaha kala duwan ee garoonka, waxa uuna mas’uuliyiinta ka dhageystay warbixin ku saabsan mashaariicda horumarinta garoonka.

Sii-hayaha Wasiirka Gaadiidka Cirka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa sheegay in ay socdaan howlo baaxad leh oo lagu ballaarinayo garoonka.

“Waxaan la saxiixannay shirkadda Favori ee garoonka maamusha heshiis lagu ballaarinayo garoonka oo ay ku jiraan Duugista badda, dhismaha derbi ilaa 500 oo mitir ah, Dhabbaha diyaaradaha oo la cusbooneysiinayo iyo shaqooyin kale oo muhiim ah oo qaarkood meel dhexe marayaan” ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Ugu dambeyn, sii-hayaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ku ammaanay mas’uuliyiinta iyo howl wadeennada garoonka shaqada wanaagsan ee ay hayaan, waxuuna ku boorriyay in ay sii dardar geliyaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...