Hindiya (Halqaran.com) – Hindiya waxaa fursad wanaagsan u noqday soosaarka tallaalka COVID-19 oo baahida loo qabo ay badatay kaddib markii uu kordhay dalabaadka ka imaanaya waddamada caalamka.
Warshad ku taalla Hindiya ayaa daqiiqaddii awoodda in ay soo saarto 6,000 oo cirbadaha tallaalka COVID-19-ka ah, waana qeyb ka mid ah fududeynta in dalalka baahida u qabo sahal loo gaarsiiyo sida ay sheegeen mas’uuliyiinta warshadaas.
Rajiv Nath oo ah madaxa warshaddaan ayaa sheegay in dalabaadka uu aad ugu batay, si loo dhammeystiro baahida macaamiisha waxa ay dajiyeen qorshe cusub oo lagu kordhinayo waxsoosaarkooda.
Nath ayaa sheegay in shirkadda ay maalintii soo saarto ku dhawaad 4 milyan oo cirbad kuwaas oo loo daabuli karo waddamada u baahan.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in loo baahan yahay guud ahaan caalamka 10 bilyan oo cirbadood si loo tallaalo 60% bulshada caalamka ku nool.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





