Thursday, April 30, 2026
29.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Guudlaawe oo la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey James Swan

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

Kulanka dhexmaray labada dhinac ayaa looga hadlay arrimaha doorashada dalka gaar ahaan in is-faham laga gaaro qilaafka hareeyay qabsoomidda doorashada.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in kulanka Guudlaawe iyo James Swan looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan arrimaha fatahaadaha, maadaama laguda galayo xilli roobaadka.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay Caasimadda dalka ka waday kulamo kala duwan oo uu la qaadanayey madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...