WARBIXIN: Maxaa laga baran karaa weerarkii Hoteelka SYL ee Muqdisho?

Muqdisho (Halqaran.com) – Weerarkii abaabulnaa ee maleeshiyada Al Shabaab ku qaadeen Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho ayaa bannaanka keenay in Shabaabku uu bedelay taatikadii ay ku beegsan jireen Hoteelada Magaalada Muqdisho.

Sida looga bartay Shabaabka ayaa marka ay weerarayaan Hoteelada Magaalada Muqdisho waxay weeraradoodu ku bilaabin jireen ismiidaamin, balse uu weerarkii xalay ahaa mid toos ah, oo ay ku galeen SYL Hotel, ka dib markii ay xoog kaga gudbeen ilaaladii hotelkaasi.

Weerarkan ayaa sidoo kale daaha ka rogay in weli ay Shabaabku ku dhex milan yihiin Ciidamada Booliska, ka dib markii la arkay in maleeshiyadii weerarka soo qaaday ay ku labisneyd dareyska Ciidamada Booliska, isla-markaana ay darajada ciidanka garbahooda ku taxnaayeen.

Xeeldheere-yaasha ayaa waxay qabaan in shan ka mid ah dagaal-yahanada Shabaabka aanay marnaba u suurtageli lahayn in weerar ceynkaasi ah ay ku qaadaan Hotel SYL, haddii aanay haysan gacan gudaha ah.

Tani ayaa waxay ku sababeeyeen in weerarkaasi ay Ciidamada Booliska ka jawaabeen, xilli ay Shabaabku toogasho ka wadeen gudaha hotelka. Waxay kaloo su’aalo ka keeneen sida fudud ee maleeshiyadaasi uga soo gudubtay kontoroolada adag ee ku gadaaman hotelkan, oo kaabiga ku haya Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Kolka laga hadlayo qaabka uu weerarka SYL Hotel u dhacay ayaa wuxuu daaha ka qaadayaa inaanay mintidiinta Al Shabaab hakin karin dhegxaanta lagu gooyay inta badan wadooyinka halbowlaha u ah isu socodka Magaalada Muqdisho, si kasta oo ay awoodoodii u yaraatay.

Dowladda Somaliya ayaa waxaa loogu baaqay in ay wax ka bedesho hannaanka ay ku xaqiijinayso amniga magaalada, haddii ay Shabaabku bedeleen qorshayaashoodii weerarada.

Khubarada ayaa kuu sheegaya in weerarkan laga baran karo sida uu uga khasaaro yar yahay weeraradii kale ee hoteelada lagu bartilmaameedsan jiray, sababo ku aadan weerarka oo aan is qarxin ku bilaaban, inkastoo ay qabaan in laamaha amniga ay qarinayaan khasaaraha dhabta ah ee uu weerarkaasi gaystay.

Sida ay hay’adaha ammaanku sheegeen waxaa weerarkan ku dhintay laba askari, saddex qof oo shacab ah iyo shantii nin ee weerarka soo qaaday oo sida ay sheegeen la wada toogtay. Khaburada ayaa qaba in weerarka lagu dilay qaar ka mid ah ilaaladii hotelka, ka hor intii aanay Ciidamada Booliska ka jawaabin. Sababta ay laamaha amniga u qarinayaan khasaaraha dhabta ah ee weerarkaasi uu sababay ayay ku sheegeen amar kaga yimid Madaxda Qaranka.

Dadka qaarkii ayaa qaba in ay hoos u dhacday awoodii ururka mayalka adag ee Al Shabaab, ayna awoodi kari waayeen in baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay ay ku weeraraan Hoteelada Magaalada Muqdisho, ka dib markii Ciidamada Xasilinta ay adkeeyeen amniga Caasimadda Muqdisho.

Markaad fiiriso weerarkii 24-kii bishii July ka dhacay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaan Magaalada Muqdisho ka dhicin weerar weyn, oo ay soo maleygeen dagaal-yahanada Al Shabaab, waxaana loo fasirtay in ciidamada ammaanka ay fahmayn qidadda weeraradooda.

Arrinta kale ee in iftiimiyo u baahan hoos u dhaca ku yimid weeraradii Al Shabaab ee Magaalada Muqdisho waxaa weeye gulufka bilowday horaantii bishii August, ee ay Ciidanka Xoogga Dalka ku qaadeen deegaanada ay ka arrimiyaan Shabaabka.

Sidoo kale hoos u dhaca ku yimid weerarada Shabaabka hubeysan ee dagaalka dalka ka wada ayaa waxaa la tilmaamaa in ay ku lug leedahay khilaafka muddooyinkii ugu dambeeyay ka dhex taagnaa Amiirka Al Shabaab Axmed Cumar (Abuu Cubeyda) iyo Kuxigeenkiisa Mahad Warsame Qaley (Mahad Karataay).

Hadaba si Dowladda Somaliya ay u sii xaqiijiso guulaha ay ka gaartay sugidda amniga ee Magaaalda Muqdisho ayaa waxaa Villa Somalia la gudboon in ay dib u hubiso ciidamadeeda gacan-saarka la leh Al Shabaab iyo inay dardar-geliso gulufka militari, ee ururkaasi lagu wajahaayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com