Monday, March 16, 2026
28.3 C
Mogadishu

XOG: Wasiir Maareeye oo wax looga weydiinayo eedeymaha loo heysto Warbaahinta dowladda (Maxa cusub?)

Wasiir Maareeye

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa waxaa looga yeeray Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa qoraal uu soo saaray lala wadaagay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, si uu uga jawaabo su’aalaha ay qabaan kow iyo toban ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo kuwa kale, lana xiriira shaqada Wasaaradda Warfaafinta.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Wasiir Maareeye laga doonayo in maalinta Axada ee soo socota, taariikhduna ku beegan tahay 15-ka December uu horyimaado Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxay Axadii sheegeen in ay mooshin ka keeni doonaan Warbaahinta Dowladda, oo ay sheegeen in si gaar ahi loogu adeego Madaxda Dowladda oo keliya.

Su’aalo weydiinta Wasiir Maareeye ayaa waxaa la fillayaa in ay u badnaan doonaan kuwo la xiriira shaqada Warbaahinta Qaranka iyo eedeymaha ay u soo jeediyeen Xildhibaanada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...