Monday, May 25, 2026
28.9 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay weerarkii Jabhadda Korneyl Caarre ku qaaday Ceerigaabo & Khasaaraha

Korneyl Caarre

Ceerigaabo (Halqaran.com) – Ciidamo Hubaysan oo ka tirsan Jabhadda uu hoggaamiyo Col. Caarre ayaa xalay weeraray saldhigga Ciidanka Booliska Somaliland ku leeyihiin magaalada Ceerigaabo.

Weerarkan oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa sababay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii dagaallamay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay iney xalay saqdii dhexe maqlayeen rasaas culus oo ka dhaceysa aaga saldhiga Booliska degmada, iyagoo intaas ku daray iney cabsi iyo argagax dareemayeen.

Sida ay wararku sheegayaan dablayada ka tirsan jabhada Kornayl Caarre ayaa markii ay fuliyeen weerarka ay ku qaadeen saldhiga booliska ee Ceerigaabo waxay ku guulaysteen inay ka baxsadaan goobta, Iyagoo dib ugu laabtay saldhig ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Ceerigaabo.

Dhinaca kale, Ilaa iyo hadda xukuumada Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi kama aysan hadal khasaaraha soo gaaray ciidamada booliska ee lagu weeraray saldhiga dhexe ee magaalada Ceerigaabo.

Waxaa mudooyinkii dambe socday waan waan laga dhexwaday Xukuumadda iyo Jabhada Kornayl Caarre, balse Muuse Biixi ayaa ku adkaystay inuu Cafis u fidnayo Ciidamada Marka laga reebo Kornayl Caarre oo Hoggaamiya, taasi oo Caqabad ku noqotay In xal rasmiya la gaaro.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...