Monday, May 25, 2026
26.9 C
Mogadishu

DAAWO VIDEO: Maxaa ka jira in Somaliland ay degmada Taleex ku soo dhaweysay ciidamo ka soo goostay Puntland?

Taleex (Halqaran.com) – Somaliland ayaa waxa ay degmada Taleex ee Gobolka Sool, ku soo dhowaysay ku dhowaad 100 Askari oo ay sheegtay in ay kasoo Goosteen dhinaca Puntland.

Sarkaal u hadlay Ciidamada oo sheegay inay kasoo baxeen Puntland ayaa Xusay inay Muddo dheer ku jireen Puntland,  islamarkaana aysan jirin ciidamo ka soo jeeda deegaanka Taleex oo ku haray Puntland.

Wasiirka Cusub ee Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa soo dhoweeyay Ciidamada ka soo baxay Puntland, isagoona sheegay inay Xubnahan in badan isku hayeen Arimaha deegaanka, balse hada ay Garwaaqsadeen inay ku soo biiraan Somaliland.

Si kastaba, ciidamada kasoo jeeda Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa inta badan ku Caanbaxay inay Noqdaan Kuwa Guur-guura, waxaana taasi sabab u ah muranka iyo sheegashada Puntland iyo Somaliland ee Gobolada Sanaag iyo Sool.

Halka hoose ka Daawo Muuqaalka:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...