Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa Sabtida maanta la filayaa sida uu qorshuhu yahay in Magaalada Muqdisho ay kulan ku yeeshan golaha wadatashiga Qaran oo ka kooban, Ra’iisul Wasaare rooble, madaxweynayaasha Shanta dowlad Goboleed iyo gudoomiyaha Gobolka Banaadir, hayeeshee ay u muuqato in uu dib u dhacayo shirkaas.
Shirkan oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka iyo howlihii ka qabsoomay tan iyo heshiiskii 27-kii May, waxaana uu ka dhashay kadib kulanka khadka internet-ka ah oo ay yeesheen Golaha wadatashiga Qaran.
Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa shalay ilaa maanta soo gaaraya magaalada Muqdisho si ay uga qeybgalaan shirkaasi lagu ballansanaa inuu maanta furmo.
Howlaha doorashooyinka Soomaaliya ee loo xil-saaray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilligaan meel wanagsan maraya, iyada oo dhawaan la filayo in guud ahaan dalka ay ka bilaawdaan howlaha doorashooyinka ee Xildhibaannada labada Aqal.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





