Friday, March 6, 2026
30.9 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Sida xalay 26-ka June looga xusay magaalada Muqdisho & Madaxda dalka oo…

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa xalay magaalada Muqdisho iyo inta badan Gobollada dalka Soomaaliya lagu qabtay munaasabado loogu dabaaldagayay 61-guuradii kasoo wareegtay markii Gobollada Waqooyi ay ka xuroobeen Gumeystihii Ingiriiska oo ku beegneyd 26-kii june ee sanadkii 1960-kii.

Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay Munaasabadda Xuska 26-ka June oo lagu qabtay Madaxtooyada ayaa ugu hambalyeeyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed Sannad Guurada 61-aad ee ka soo wareegtay Maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa soo bandhigay taariikhda halgankii xornimadoonka Dalkeenna, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ee Gobollada Waqooyi ku ammaanay doorkoodii gobannimo u dirirka iyo isu-doonta ummadda Soomaaliyeed.

“Halgankii gumaysi diidka iyo Soomaali isu doonku waxa uu ahaa mid ay hormuud u ahaayeen Gobollada Waqooyi. Dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo doonka ahaa ee ka curtay Gobolladaa waxa ay horseed u ahaayeen madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, waxaana xusid mudan halgankii gobannimo u dirirka ahaa ee Daraawiishta iyo doorkii SNL ay ku lahayd xoreynta Gobollada Waqooyi oo la mid ahaa doorkii SYL ku lahayd xornimada Gobollada Koonfureed.”

Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay xejistaan gobannimadooda, wadajirkooda iyo sooyaalkooda, isaga oo walaalaha Gobollada Waqooyi ugu baaqay in ay hormuud u noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...