Würzburg (Halqaran.com) – Nin toorey ku hubeysan ayaa seddex qof ku diley magaalada Würzbug ee dalka Jarmalka, halka uu dhaawac culus u geystay illaa iyo 5 kalena jimcihii shalay, ka hor intii aysan boolisku toogan isla markaana xirin.
Weerarkan tooreyda loo adeegsaday ayaa geystay 24 jir Soomaali ah oo ku noolaa magaalada Würzburg, sida uu sheegay booliska magaaladaasi, iyadoo booliska uu ninkaasi ka toogtay lugta, dhaawiciisuna yahay mid fudud.
Sarkaal sare oo ka tirsan booliska oo lagu magacaabo Joachim Hermann ayaa sheegey in dadka dhaawacmey uu ka mid yahay wiil yar kaasoo aabihii ay u badan tahay inuu ka mid yahay dadka weerarkaasi ku dhintey
“Ninka weerarka geystay iska cabbin ayuu sameeyay kaddib markii ay booliisku rasaas rideen,” ayuu maamulka magaalada Würzbug ku soo qoray barta Twitter-ka, iyaga oo aan faahfaahin ka bixin ujeeddada uu ninkaasi u geystay falkan.
Booliska magaaladaasi ayaa sheegay, in ninka falkaasi geystey uu qaadanayay daawo dhinaca dhimirka ah ka hor intii uusan weerarkan geysan, isla markaana ay boolisku la socdeen.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax badan oo laga ogyahay sababta uu ninkaasi uu weerarkan u geyste Jimcihii.
Ugu dambeyn, muuqaal lagu baahiyay bogaga internet-ka ayaa muujinaayey dadweyne isku dayaaya inay ninkan joojiyaan weerarkiisa, iyagoo ulo iyo kuraasidii ay ku fadhiyeen u adeegsanaya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





