24.5 C
Mogadishu
Saturday, August 13, 2022

Wararkii ugu dambeeyay qaraxyo laga soo saaray Magaalada Boosaaso iyo halka lagu qarxin rabay!

Boosaaso (Halqaran.com) – Hawlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa ay ku soo saareen qaraxyo miino oo lagu aasay bartamaha Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamud ayaa sheegayaan in Miinadaas ay cadawga Puntland doonayeen inay ku dhibateeyaan Shacabka, hayeeshee ay fashiliyeen, isla markaana ay kasoo saareen goobtii lagu Aasay.

Waxaa uu sheegay taliyaha in hawlgalada laga fulinayo gudaha Magaalada Boosaaso ay noqon doonaan kuwa isdaba-joog ah illaa laga xaqiijinayo Amniga Guud ee magalada Boosaaso oo bilihii u dambeysay ahaa mid aan wanaagsaneyn.

Howlgalka ay si wadajirka ah Ciidamada Booliska iyo kuwa PSF-ta Puntland ay uga fuliyeen Magalada Boosaaso ugana soo saareen Miinooyinka ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyo is xiga xiga ay ka dhaceen qaraxyo miinooyin ah.

Maleeshiyaadka Ururka Al Shabaab iyo Daacish ayaa waxa ay falal lidi ku ah dhanka ammaanka ka gaystaan Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Xafiiska Halqaran.com, Boosaaso
Halqarannews@gmail.com 

Latest News

Ex-Aljazeera journalist voted in as Wajir South MP

By BERTHA OCHOMO Ex Aljazeera journalist has been elected as...

One million people displaced by drought in Somalia, says UN

A historic drought in Somalia has now displaced one...

Uganda, Somalia ink MoU on Defence Cooperation

Somalia and Uganda have signed defence cooperation agreement following...

FAO appeals for over $130M to assist 882,000 people across drought-hit Somalia

By - Mohammed Dhaysane  / AA The UN Food and...

Kenyan presidential candidates in final dash before vote to succeed Kenyatta

Flanked by cheering crowds, the frontrunners in Kenya's presidential...
spot_img

Duqa Muqdisho ‘Cumar Filish’ oo dhagax dhigay dhismaha Buundo muhiim ah

Muqdisho (Halqaran.com) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Sabtida maanta ah dhagax dhigay dib-udhiska Buundada...

DAAWO VIDEO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo dardaaran cajiib ah u diray Shacabka Somaliland

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay mudaaharaadyadii rabshadaha xigay ee Khamiistii ka dhacay qaar ka mid ah Magaalooyinka...

Ex-Aljazeera journalist voted in as Wajir South MP

By BERTHA OCHOMO Ex Aljazeera journalist has been elected as Wajir South member of parliament. Mohammed Adow who was a correspondent of the international media won...