DHAGEYSO: Xildhibaan Kashifay Ujeedada Dowlada Somaliya Ka leedahay Jubbaland + XOG XASAASI

Kismaayo (Halqaran.com) – Xamaasada Siyaasadeed ee Ka socota Kismaayo waxay ka dhigan tahay inay xaaladu sii culusaatay,iyadoo dawlada Dhexe iyo Beesha Caalamkuba ay Xaniinyo qabasho kusameenayaan Axmed Madoobe.

Dib u soo noqoshada Hogaanka Jubbaland Axmed Islaam waxa uu taageero kaga Heystaa,Xildhibaanada Federaalka Badankood,Imaaraat-ka carabta iyo Kenya.

Waxa uu sidoo kale heystaa Taageerada Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad Ee dhawaan la dhaariyey kuwaas oo heli kara in ay codka ugu shubaan.

Murashaxiinta Isbadel doonka Jubbaland waxay diidan yihiin weli oo go’aankooda ku adkeysanayaan inaysan ka qeyb noqon doorashada Jubbaland Ee Axmed Madoobe hormuudka ka yahay.

Hadaba Xildhibaan C/risaaq Maxamed Jinde oo kusugan Kismaayo waxa uu Dawlada Federaalka ugu baaqay inay joojiso fara gelinta ay ku dooneyso inay Arbushaad iyo Xasilooni daro kaga abuurto Jubbaland.

Waxa uu Xildhibaankani ka mid yahay Mudanayaal katirsan Labada Aqal Oo maanta Warsaxaafadeed ay soo saareen ku taageeray Hanaanka ay kusocoto Doorashada Jubbaland oo ay ku sheegeen mid sharci ah.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com