Sunday, May 10, 2026
29 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay qarax khasaaro geystay oo ka dhacay degmada Ceelwaaq

Ceelwaaq (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya, in qarax dhimasho iyo dhaawac sababay uu maanta ka dhacay degmadaasi, iyadoo faah-faahino dheeraad ah ka soo baxayaan.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa la dhigay Maqaayad ku taalla degmada Ceelwaaq oo ay ku sugnaayeen Askar iyo dad Shacab ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen laba Ruux halka ay ku dhaawacmeen Saddex kale.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Saddexda qof ee qaraxa ku dhaawacantay la geeyay Isbitaalka degmada Ceelwaaq, si halkaasi loogu daweey.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay howlgallo ka sameeyeen xaafadaha iyo waddooyinka ku dhow dhow halka uu qaraxa ka dhacay, iyada oo warar la helay ay sheegayaan in dad loo qabtay qaraxaas.

Ugu dambeyn, toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo kusoo kordhay falal amni daro, iyada oo ay ka dhaceen weerarro iyo qaraxyo ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...