Muqdisho (Halqaran.com) – Gen. Diomede Ndegeya oo ah abaan-duulaha dhawaan loo soo Magacaabay Ciidamada AMISOM ee ka howlgalla Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay booqasho ku tegay Taliska qeybta 1aad oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Uganda oo kamid ah Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Abaan-duulaha ayaa waxaa uu la kulmay taliye ku-xigeenka qaybta 1-aad oo sidoo kale ah ku xigeenka taliyaha Uganda, Col John Winston Mugarura, isaga oo u sheegay in booqashadan ay tahay kormeer barasho ah oo uu ku tagayo dhamaan cerooyinka AMISOM ee Soomaaliya.
Gen Diomede Ndegeya ayaa waxaa uu ku amaanay Ciidamada Uganda ee AMISOM tallaabooyinkii ay Al-Shabaab ugala wareegeen degaannada Sabiid-Caanoole, Bariire, Awdheegle, Ceel Salini iyo Jannaale, oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
“Xaqiiqdii, maanta ma fadhiisan lahayn halkan si raaxo leh haddii aysan ahayn geesinimadooda ku aaddan nabadeynta Soomaaliya. Marnaba ma hilmaami doono iyaga waxaanan u dagaalami doonnaa ilaa dhamaadka ilaa iyo inta aysan Al-Shabaab ka sii joogi doonin Soomaaliya, ”ayuu yiri Gen. Ndegeya.
Si kastaba, ciidamada Uganda ayaa waxaa ay kamid yihiin Ciidamada ugu badan ee ka tirsan AMISOM kana howlgalla Soomaaliya, waxaana ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





