Garowe (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya Qarax la sheegay inuu caawa ka dhacay magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland.
Qaraxan ayaa ka dhacay Afaafka hore ee Saldhigga Ciidanka Booliska maamulka Puntland.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ahaa, qof ismiidaamiyay oo isku qarixay gaari ay saarnaayeen guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) iyo taliyihii hore qeybta booliska gobolka Faarax Galangooli.
Waxaa lagu soo warramayaa in labadaasi mas’uul ay ku dhaawacmaan qaraxaasi caawa ka dhacay Garoowe, waxaana la dhigay Isbitaalka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya, in qaraxan ay ku dhinteen labo ka mid ah ilaalada labadaasi mas’uul ee qaraxa ku dhaawacmay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






