Thursday, April 30, 2026
32.9 C
Mogadishu

Aas Qaran oo Maanta loo Sameeyay Gaddoomayihii Gobolka Nugaal

Garoowe (Halqaran.com)- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay, Aas Qaran oo loo sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal AHUN Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir)

Sidoo kale goobta aaska marxuumka waxaa ka qeyb galay labadii madaxweyne ee horeysay Deni ee Senator Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Maxamad Cali Gaas, waxaa kale oo ka qeyb galay saraakiil ciidan, mas’uuliyiin iyo shacab badan.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Aaska kula kulmay Xubno ka mid ah Qoyskii AHUN Guddoomiye Cabdisalaan Gujir, Kuwaasi oo uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo goobta uu aasku ka dhacay warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in asyan iloobi doonin waxqabadkii Ex guddoomiye Cabdisalaan Gu’jir oo horay ugasoo mid noqday ciidamada maamulka Puntland, waxuuna ku tilmaamay halyey waqti badan geliyey u adeegidda dadkiisa.

Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) oo ahaa Guddoomiyihii Gobolka Nugaal ayaa xalay u geeriyooday dhaawac Culus oo kasoo gaaray Qarax lala eegtay, waxaana Mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab.

Weerarkaas ayaa waxaa aad u cambaareeyey madaxda qaranka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka, waxuuna madaxweynaha Puntland Saciid Deni wacad ku maray in dadka ku mashquulsan falalka nuucaas ah ay xukuumaddiisu ka cirib tiri doonto deegaanada Puntaln

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...