Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya qarax ismiidaamin oo Khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay oo Talaadadii maanta ka dhacay Afaafka hore ee xerada Tababarka Generaal Dhega-badan ee Warshadda Nacnaca oo ku taalla degmada Wadajir.
Qof isku soo xiray waxyaabaha qaraxa ayaa beegsaday dhallinyaro taagnaa Afaafka hore ee xerada, kuwaas oo loo qorayay Ciidannimo, isla markaana doonayay inay ku tababartaan Gudaha Xeradaasi.
Warar ay helayso Halqaran News ayaa sheegaya, in dadka ku dhintay qaraxaas & kuwa ku dhaawacmay ay kor u dhaafayaan ilaa 20, kuwaas oo badankood ah dhallinyaro loo tababarayay leylo sarkaalnimo.
Ciidamada dowladda iyo dadka degan agagaarka Warshada ayaa gurmad u sameeynaya dadka ku waxyeeloobay qaraxa, waxaana dhammaan ay Ciidamada xireen waddooyinka gala Xerada iyo kuwa ka baxa.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





